Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt waa lamaanayaasha ugu hadal heynta badan taasi muran kuma jirto sido kale xidigahan waxaa la ogaaday in arooskooda dhici doono dhamaadka sanadkaan ama bisha December waa hadii wax isbedelin.

Waxaan horey u ogeyn in isku dhav Box-office sanadkaan jiri doono oo Filim Alia Bhatt wadato iyo Filim Ranbir Kapoor wato ay Box-office-ka ku hardami doonaan waana labada mashruuc ee kala ah Shamshera (Ranbir Kapoor) iyo RRR (Alia Bhatt) balse dantooda ayee fahmeen xidigahan taariikhdana wey kala wareejiyaan.

Kooxda RRR waxay kudhawaaqen in Filimkooda la daawan doono 8 Janaayo 2021 markii horena qorshaha waxuu ahaa in July 2020 la daawado oo ay isku dhacaan Shamshera misane Ranbir watay balse kooxdan ayaa ka fogaaden iskudhacan dibna udhigteen Filimkooda.

Waxaa la sheegay in lamaanahan ka fikireen iskudhaca Filimadooda in aysan dan ugu jirin sidaas aawged midkood uu tanaasulo taariikhda lawad daawan lahaa markii hore Ranbir ayaa doonaayey inuu dib udhigto Filimkiisa balse Alia ayaa tiri aniga dib dhiganaayo kooxda RRR ka dhaadhicinaayo qorshaha sid war saxaafadeed lagu helay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here