Xiriirka Ranbir iyo Alia ma ahan mod sahlan haderna heer kale ayee u bedeleen iyo inee hal guri kuwada noolaadaan arinkaana todobaad kahor ayee soo shaac baxday.

Alia Bhatt ayaa sawiro Instagram-keeda soo dhigtay kudhowaad todobaad kahor waxayna si dadban u tilmaameysay in sawiradaas uu ka qaaday Ranbir Kapoor waana sawiro guri dhexdiisa ay kujirto markaas ayuuna bilawday shakiga ah inee labadooda hal guri kuwada nool yihiin.

Hadaba waxaa hader faafay muuqaal horleh oo laga duubay xidigahan misane Internet-ka dhex mushaaxaya kaaso ah xili labadooda guriga kasoo baxayaan balse isla guriga dhexdiisa ama aktiisa ku soconayaan maadama karantiil yihiin xoogaa socod gaaban ayee aadeen.

Eeygooda ayaa lajiro sido kale labiska jimicsiga iyo Sports-ka ookale ayee xiran yihiin waxuuna muuqaalkan cadeynayaa in lamaanahan xiriir wada noolaansho ah kujiraan misane gurigaas ku nool yihiin.

Todobaad kahor ayaana la sheegay inee gurigan usoo wareegen haderna ay kuwada nool yihiin ilaa 15 April laga gaarana halkaas ayee karantiil ku ahaan doonaan maadama la sheegay in 15 April India oodhan Karantiilka ka bixi doonaan.

Arooska lamaanahan wali waqti rasmi ah looma qaban waxaana la filayaa dhamaadka sanadkaan inee is guursan doonaan oo sidii Katrina Kaif oo kale Alia Bhatt kudhici doonin ileen Kaif sidan oo kale ayee Ranbir ula nooleed calafkaana kala geeyay balse xiriirkan waxaa tiirar u ah qoysaska labada dhinac oo in arooskooda dhaco ku adkeystaan.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here