Xidigaha caanka ah Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt ayaa markii ugu horeysay si wadajir ah u duubeyn aflaamta yaryar ee ee daqiiqadaha kooban soconayaan (Short Filims) waxaana Director ka ah Prasoon Panday.

Filimkaan ee la isugu keenay qoys dhan oo fanka hindiya katirsan ayaa looga hadli doonaa ahmiyada ay leedahay kala fogaanshaha dadka inta lagu guda jiro xaaladan iyo caabuwan dunida wareeriyay ee Coronavirus.

Waa mashruuc bulshada lagu wacyi galinaayo si aysan isugu soo dhowaanin uguna kulmin goobaha dadka isugu imaadeen si feyriska uusan usii faafin waxaana kasoo muuqan doonaan xidigaha kala ah Amitabh Bachchan, Rajnikanth, Mohanlal, Ranbir Kapoor, Alia Bhatt, Priyanka Chopra, Diljit Dosanth, Chiranjeevi, Mammootty iyo xidigo kale oo badan.

Jilaa walba luuqadiisa asalka ee uu sifiican u yaqaano ayuu ku hadli doonaa dhamaan jilayaashan aan magacyadooda xusnay ayaana kasoo kala jeedaan gobola badan oo India ah koonfur ilaa waqooyi si dadka oodhan uwada gaaro wacyi galinta gobol walba xidiga ugu muga weyn ayaa laga soo qaatay oo luuqada dhulkaas ayuuna ku hadli doonaa.

Bachchan ayaa laha Fikirka Ranbir iyo Alia qeyb looga dhigay mashruucan maadama jiilka maanta iyaga hormuud u yihiin lamaane caan ahna yihiin filimkaan qoyska ah qeyb ayee ka yihiin waliba wey duubeen waxaan sugnaaba waa in Internet-ka lasoo galiyo si Online loogu daawado.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here