Director Ayan Mukerji filimkiisa fariinta Super Hero-da iyo qayaaliga seyniska xambaarsan wuxuu xambaarsan yahay miisaaniyad xoogan waxaana loo duubay si caalami ah ayadoo jadwalkiisa wax yar ka harsan yahay waxaana hogaamiyaal ka ah Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt halka Amitabh Bachchan isagana door muhiim ah ku leeyahay.

Filimka Brahmastra waxaa soo saare ka ah Karan Johar waxaana la daawan doonaa 4 December 2020 balse in dib loo dhigi doono ayya u badan tahay haddii xaalada Hindiya caadi kusoo laabanin oo aan la dhameestiran jadwalka u harsan mashruucan weyn.

Haatan waxaa la ogaaday in Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt lacagaha ay filimkan ku sameenayeen in badan ka tagi doonaan si ay Karan Johar shirkadiisa Dharma Productions culeeska kaga dul qaadaan madaama dhibaatada Coronavirus-ka sababay dhaqaale xumo baahsan weliba Bollywood-ka kuma sii jiro sababtoo ah wax dhaq dhaqaaq ah majiro.

Karan Johar wuxuu sheegay in qarashka ugu badan filimka Brahmastra ku baxaayo adeegsiga aalada VFX-ka iyo faaf reebida filimkan ayadoo quburo caalami ah shaqo ka hayaan mashruucan sidaa darteed si miisaaniyada filimkan loo xadido Ranbir iyo Alia waxay aqbaleen inay dhimaan lacagaha ay filimkan sameyntiisa ku qaadan lahaayeen.

Waxaa haatan la isla dhex maraa in filimka Brahmastar la daawan doono xagaaga dambe ama June 2021 madaama mashruucan la rabo in dunida oo idil laga daawado marka xaalada caadi kusoo laabato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here