Marka la joogo shirkadda aflaanta Bollywood Industry, waxaa ku jira atooreyaal caan ah iyo atariishooyin caan ah kuwaasoo walaalo ah. Shabakadda Filimside ayaana maanta akhristeyaasheeda usoo bandhigeysa walaalaha Bollywood ee aan jeclaan laheyn inay hal filim kasoo wada-muuqdaan (Siblings from Bollywood who we would wish to see together on the big screen).

  • ARJUN KAPOOR IYO SONAM KAPOOR

Arjun Kapoor iyo ina-adeertiis Sonam Kapoor waa laba shaqsi oo inta badan saaxiibo ah. Labadooduba waxay muujiyeen inay yihiin jillayaal heer sarre ah, sidaas darteed waan jeclaan laheyn inay shaashadda kasoo wada-muuqdaan.

Arjun ayaa wuxuu filimkii Mubarakan la sameyeey Anil Kapoor oo ah aabaha dhalay Sonam, isla markaana isaga adeer u ah. Sidaas darteed waa ay wacnaan laheyd inay wada-shaqeeyaan Arjun iyo Sonam.

  • EMRAAN HASHMI IYO ALIA BHATT

Alia Bhatt waa atariisho shaki la’aan tayo sarre leh, waana midda uu xiiseeyo filimsameeye kasta. Filim ay la sameyso ina-adeerkeed Emraan Hashmi ayaana noqon lahaa mid soo jiidasho leh.

Boqorka baashida Bollywood Emraan ayaa wuxuu horay u caddeeyey inuu jeclaan lahaa inuu filim la sameeyo Alia. Sidaas darteed aan rajeynayo in la helo filimsameeye la yimaado sheeko ku qancisa labadaan walaalaha ah inay si wadajir ah u shaqeeyaan.

  • RANBIR KAPOOR IYO KAREENA KAPOOR KHAN

Ranbir iyo Kareena ayaa kasoo wadamuuqday showga ‘Koffee With Karan’ – taageereyaasha Bollywood ayaana wixii intaas ka dambeeyey bilaabay inay ku riyoodaan daawashada filim ay labadoodu isla sameeyaan.

Labadooda ayaa loogu talogalay doorarka Kabir iyo Ayesha ee filimkii Zoya Akhtar ee Dil Dhadakne Do (2015). Laakiin warbaahintu waxay sheegtay inuu Ranbir Kapoor iska diiday mashruucaas sababo la xiriira dhibaato dhanka haasaawaha ah, ka dibna Kareena ayaa isaga baxday mashruuca.

Taasoo keentay inay ugu dambeyn Ranveer Singh iyo Priyanka Chopra qaataan doorarkaas. Hadda waxay rajadu tahay in la helo filimsameeye la yimaada sheeko isku keeni karta Ranbir iyo Kareena.

  • SAIF ALI KHAN IYO SOHA ALI KHAN

Labada walaalo ee ugu dambeeya ee la jecel yahay inay shaashadda kasoo wada-muuqdaan waa Saif Ali Khan iyo Soha Ali Khan kuwaasoo labadooduba ah jillayaal caanka ah gudaha India, oo isku hooyo iyo isku aabe ah.

Saif wuxuu hore ula soo shaqeeyey hooyadiis Sharmila Tagore oo ah atariisho halyeey ka ah Bollywood, wuxuuna la sameeyey aflaantii Aashik Aawara iyo Eklavya: The Royal Guard. Sidaas darteed waxaa markale laga dhowrayaa inuu la shaqeeyo xubin ku dhow oo qoyskiisa ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here