Ranbir Kapoor Iyo Ranveer Singh Waxay Ahaayen Hogaamiyasha Takht Iyo Is Bedelka Dhacay!!

Nasiibka ayaa isku diiday inee shaashada kasoo wada muuqdaan Ranveer Singh iyo Ranbir Kapoor sababto ah waxay wada sameen lahaayen Takht.

Sidaan wada ognahay Takht waxaa la shaaciyay inee wada jilaayan Ranveer Singh, Anil Kapoor, Jahnvi Kapoor, Kareena Kapoor, Alia Bhatt, Vicky Kaushal iyo Bhumi Pednekar halka Karan Johar Director iyo Producer-ba ka yahay.

Balse ma ogtahay akhriste in Ranbir Kapoor mashruucan wax ka jili lahaa oo door weyn laga siiyay uuna iska diiday mashquul aawged, haa jilaaga waxaa la siiyay doorka Vicky Kaushal qaatay ee ah Boqor Aurangzeb.

Ranbir filmka waxuu ku jili lahaa doorka boqor Aurangzeb balse mashquulkisa ayaa batay wuuna ka cudur daartay mashruucan maadama uu ku mashquulsanyahay duubista filmkiisa weyn ee Brahmastra sida aawged Karan booski RK waxuu ku bedelay Vicky Kaushal.

Hubaal ahaan xiiso ayuu sii yeelan lahaa hadii RK filmkaan wax ka jili lahaa balse ma dhicin midaa waxuu la shaqeen lahaa markii ugu horeysay walaashiis Kareena Kapor Khan inkastoo wararka qaarkod sheegen in Kareena darted oga baxay mashruucan maadama uusan jaceyl shaashada kula wadaagi Karin.

Dhanka kale Ranveer Singh iyo Ranbir Kapoor waa labo nin oo saaxiibo ah wada shaqeentooda xiiso weyn ayee yeelan lahed xaqiiqdi ayadoo uu la jiro madaalaha Bollywoodka Anil Kapoor oo dhankiisa mashruucan ka daadihin doono sanadka 2020 ayaan wada sugeena wacdaraha kooxdan dhigaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*