Home » . » Ranbir Kapoor Mar Hore Ayuuba Qorsheystay Inuu Sedex Caruur Ah Aabo U Noqdo Mustaqbalka!!

Ranbir Kapoor Mar Hore Ayuuba Qorsheystay Inuu Sedex Caruur Ah Aabo U Noqdo Mustaqbalka!!

Atoorayaasha dhalinta ah midka ugu qaab jiliinka wanaagsan dhan walba Ranbir Kapoor ayaa qorsheynaya inuuu mustaqbalka la haado ama aabo u noqdo sedex caruur ah.

Ranbir sidaa wada ognahay gabdho badan ayuu niyada jabiyay kuwa uu xiriir jaceyl lasameyay iyo kuwa kor kajeclaa oo uusan ogeyn jaceylkooda balse marke ogaaden inuu xiriir kale leeyahayba niyada ka jabaan.

Haba ugu badnaadan gabdhahaas kuwa isaga taageraha u ah ee xidigaan jeclaaden hadana waxaan ognahay in Deepika Padukone iyo Katrina Kaif ay kamid yihiin xidigaha uu meelcidlo ah kaga tagay Ranbir.

Xidigaan ayaa mudo dhow kahor ka dhawaajiyay inuu mustaqbalka aabo u noqon doono sedex caruur ah taasi oo micnaheeda ah in uu tirada ugu sareysa ee caruur ah uu jecelyahay inuu aabo unoqdo ay tahay 3 caruur kaliya.

Ranbir sido kale waxuu horey usheegay inuusan abid guursan doonin gabar ay waalidkiisa usoo xuleen sido kalena gabadha u asiga doonayo uun guursan doono.

Waxaan sugnaaba waa xiliga uu Ranbir guursan doono iyo gabadha uu guursan doono xidigaana, dhanka kale Ranbir tacsi ayaa utaalo hader maadama awoowgiis Shashi Kapoor geeriyooday isniinti galinkii dambe.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *