Waxaan horey idin kula wadaagnay filimka weyn Shamshera inay wada jilayaan Sanjay Dutt, Ranbir Kapoor iyo Vaani Kapoor waxaana Director ka ah Karan Malhotra halka Yash Raj Films maal galineyso lana daawan doono 31 July 2020.

Haatan sawiro ayaa laga soo xaday goobta lagu duuayo filimka weyn Shamshera waxayna u gaar u yihiin Ranbir Kapoor oo muuqaal ahaan siweyn isku badalay daruuf, dan daro iyo xiliyadii hore in la joogo ka muuqdaan waxaana lala yaabay durba sida uu Ranbir Kapoor isku badalay ayadoo baraha bulshada la leeyahay kani waa Rafaad Kapoor micnaha silica iyo rafaadka ka muuqdo muuqaalkiisa filimka Shamshera.

Shamshera fariin ahaan wuxuu ku saabsan yahay burcad awood badan oo dadka dhici jirtay xiliyadii hore gaar ahaan qarnigii 19-aad ama 1800-aadkii wuxuuna RK ku jilaa marka hore faqiir tababar daran kadibna burcad weyn oo dadka dhaco.

Sanjay Dutt ayaa filimkan laadar ka ah waxayna caddow isku yihiin Ranbir Kapoor waxaana lagu soo bandhigi doonaa dagaalka fardaha, seefaha iyo midka gacanta iyo lugta oo si caalami ah loo sameeyay waxaana xusid mudan mudo 9-sano kadib in Ranbir Kapoor iyo shirkada Yash Raj Films dib u wada shaqeyn doonaan nasiib wacan ayaan leenahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here