Xidiga laga daba dhacay ee jiilka Bollywood-ka maanta ku faanaan hogaanka u haayo Ranbir Kapoor waxaa shaashada ugu dambeesay 2018 oo uu markaas sameeyay filimkii Sanju kaasi oo Blockbuster weyn noqday sidoo kalena abaal marino kala duwan ku qaatay RK. Balse wixii markaas ka dambeeyay saaxada laguma arkin hormuudka reer Kapoor dhanka ragga.

In mudo ah Ranbir wuxuu duubis ku waday filimka weyn Brahmastra oo haatan shaqadiisa gabo gabo ka tahay waxaana Director ka ah Ayan Mukerji halka Alia Bhatt iyo Amitabh Bachchan wax ka hogaaminayaan. Sidoo kale RK wuxuu soo gaba gabeeyay duubista filimka Shamshera ee Vaani Kapoor la wado waxaana iska leh shirkada Yash Raj Films.

Balse aqbaarta aan idiin wadno waxay tahay in Ranbir Kapoor 6 Janaayo 2021 ama horaanta sanadka cusub inuu duubis ku bilaabi doono filimka jaceylka iyo shactirada isku jiro ah ee Shraddha Kapoor la wado waxaana Director ka ah Luv Ranjan waxayna shaqadiisa soo idlaan doontaa May 2021 ayadoo lagu duubi doono deegaanada Ghaziabad, Delhi iyo Noida.

RK isla sanadkan gaar ahaan bisha lixaad ee June wuxuu duubis ku bilaabi doonaa filimka lagu magacaabo Animal oo uu Director ka yahay  Sandeep Reddy Vanga kaasi oo ku caan baxay sameynta filimkii Kabir Singh. Sidaa darteed Ranbir caajiska wuu iska dhaafay sanadka nagu soo fool leh labo filim ayaa tiyaatarada loo saari doonaa halka labo kalena uu duubis ku bilaabi doono wuxuuna rabaa awoodiisa xidignimo inuu siweyn kaga faa’iideesto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here