Maalmo kahor ayaa la sheegay Ranbir inuu Alia Bhatt reerkeeda ka doontay si uu u guursado Mahesh Bhatt oo ah gabadha aabahed ayaa si farxad leh ku aqbalay doonashada Ranbir gabadhiisa soo doontay.

Waxaa la sheegay Ranbir inuu farxad aawged la ilmeeyay ama la ooyay lamaanahan 2 bil gudaheed ayaa arooskooda lagu qaban qaabin doonaa.

Yurub ayee xaflad meher ku sameeysan doonaan halka magaalooyinka India ugu waaweyn xaflado aroos dabaal dagyo ah kudhigan doonaan…

Mudo 2 sano ah ayee hader wada socdaan Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt xiriirkoodana xan badan ayaa laga qoray markii hore wey qariyeen in xiriir jaceyl ka dhaxeeyo maadama mid walba xiriirkiisa hore kasoo tagay.

Balse sanadkaan ayee si cad u muujiyeen inee xiriir wada leeyihiin qoyska labada dhinacna wey ka hadleen iyagoo muujiyeen inee isku ogolaadeen. Waxaan sugnaaba waa sanadkaan iyo arooska lamaanaha Bollywood ugu caansan waqtigaan Ranbir iyo Alia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here