Ranbir Kapoor iyo saaxiibtiisa Alia Bhatt ayaa lagu arkay xafiiska Director-ka Filimka Saawariya, Marki hore waxaa loo heestay in Ranbir Mashruuc cusub usaxiixayo Sanjay Laakiin ma ahan sida looqaatay Ma jiraan wax filim ah oo uu u socday Ranbir.

Ranbir Kapoor ayaa kulaqadeeyay xafiiskiisa Sanjay Leela Bhansali, filimna uma uusan imaanin Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah balse saaxiibtiisa ayaa shaqo u aaday xafiiska Sanjay . “Alia waxay u timid inay aragto Bhansali filimkooda Gangubai Kathiawadi kaas oo dib u bilaaban doona duubitaankiisa, Ranbir wuxuu go aansaday inuu raaco Alia si uu ula kulmo Bhansali maadmaa Muddo aad u dheer aysan kulmin.

Saddexdooduba waxay wada qaateen waqti Ma jiro wax filim ah oo laga hadlay Sidookale Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt waxay booqdeen Sanjay Dutt kadib markii laga helay cudurka kansarka si ay xaalkiisa usoo wareestaan.

dhanka shaqada lamaanahan waxaa u diyaarsan filimkooda Brahmastra oo qorshaha ahaa in dhamaadka sanadkaan la daawado balse sanadka dambe ayuu u dib dhacay waxaana la filaa in sanadka dambe bilaawgiisa la daawan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here