Ranbir Kapoor Oo Sare U Qaaday Mushaarkisa Film Sameenta Kadib Guusha Sanju Ajay Devgan Waa Lahayaa!!

Atooraha soo karaar qaatay Ranbir Kapoor ayaa la sheegaya in uu sare u qaadayao lacagaha uu filmada ku sameen doono hada kadib waxaana midaas u sabab ah guusha taariikhiga ah ee uu gaaray filmka Sanju.

Waxaa la isla dhexmarayaa in uu filmka Luv Ranjan lacago waali ah kusameen doono waana mashruuca ay isla soo wadaan Ajay Devgan sido kalena la daawan doono dhamaadka sanadka 2020.

Filmkaan aan wali magaca loo bixinin waxay ku jilayaan xidigahan aabo iyo wiilkiisa mudo 8 sano kadibna wada shaqeynayaan maadama 2010 Rajneeti wada sameyeen.

Hadaba Ranbir ayaa la sheegay in faaidada filmkaan inta ugu badan uu isaga qaadan doono maadama uu sare u qaadayo lacaga uu halkii film ku sameen jiray inkastoo wali lacag goan la sheegin hadana waxaa la cayimay in faaidada filmka inta ugu badan qaadan doono sidaasna Ajay Devgan lagu dhaafayo.

Wararkaan oo si hordhac ah loo helaayo waxaan sugnaaba hadii arinkaan shaaca laga qaadi doono iyo hadii kale balse hadii shaaca laga qaado hubaal ahaan Ranbir dardar xoogan ayuu la yimid awoodisa xidignimona sare ayee ukaceysa isagoo cagta marinaayo Devgan iyo Super Stars kale.