Home » Nolosha Jilaayaasha » Ranbir Kapoor, Priyanka Chopra, Alia Bhatt Iyo Shahid Kapoor Oo Xaflada IIFA 2018 Wacdaro Ka Dhigi Doonan Sanadkaan!!

Ranbir Kapoor, Priyanka Chopra, Alia Bhatt Iyo Shahid Kapoor Oo Xaflada IIFA 2018 Wacdaro Ka Dhigi Doonan Sanadkaan!!

Waxaa la gaaray xiligii la qaban lahaa xafladii caanka ahed ee IIFA waxaana sanadkaan lagu qaban doona Bangkok sanadkii hore waxaa xafladaan daadihiyeen oo dadka madadaaliyen Karan Johar iyo Saif Ali Khan.

Waxaa sanadkaan goobta isugu imaan doona jilayaaal fara badan  ayadoo hader shaaca laga sii qaaday jilayaasha goobta wacdaraha ka dhigi doonan, Ranbir Kapoor, Alia Bhatt, Shahid Kapoor iyo Priyanka Chopra ayaa kamid noqdeen jilayaasha Bollywoodka ee Masraxa ka cayaari doona heeso kala duwana ka qaadi doona.

Sido kale Tiger Shroff iyo Disha Patani oo wadajir ahna waa lagu arki doona sanadkaan ayagoo masraxa wacdaro ka dhigayaan waxanaa xafladan isugu imaan doona marti aad u fara badan oo xidigo caan oo caalami ah wadamo bandanna ka socdaan ay kasoo qeyb gali doonan.

Hritik Roshan, Dia Mirza, Bipasha Basu, Anil Kapoor, Huma Qureshi, Ayushmann Khurrana, Riteish Deshmukh, Karan Johar, Kartik Aryan, Varun Dhawan iyo kuw kale oo badan ayaa kamid ah jilyaaasha goobta imaan doonan qaarkodna abaal marin la gudoon siin doono.

IFFA waxaa la qaban doona bisha June ee sanadkaan 2018 waxaana lagu qaban doona Bangkok waxaan wada sugnaaba waa wararka kasoo kordha xafladaan.