Waxaa la isla dhex maraayay dhowr bilood ka hor in Ranbir Kapoor hooyadiis Neetu Singh magaalada London kusoo aragtay gabbar ay dooneyso in wiilkeeda guursado.

Madaama Ranbir Kapoor xiriiradii jaceyl ee uu horey ula soo sameeyay Sonam Kapoor, Deepika Padukone iyo Katrina Kaif waxay hooyadiis ku fikirtay wiilkeeda inay nolosha qayaaliga ah ka saarto reerna u dhisto una guuriso gabar aan fanka Hindiya ka tirsaneyn.

Hadaba Ranbir Kapoor ayaa sheekadan wax kama jiraan ku tilmaamay waxaana laga soo xigtay inuusan waligiis guursan doonin gabar ay waalidkiisa u dooneen ama usoo xuleen.

Shabakada DNA ayaa RK kasoo xigatay hadaladaan “Marka aan damco inaan guursado waxaan ku guursan doonaa dooqeyga ee marnaba ma guursan doono gabar waalidkeyga ii soo dooqeen”

“Dhab ahaantii jaceyl ayaan ku guursan doonaa sida ay waalidkeyga (Rishi iyo Neetu) isku guursadeen oo kale waayo iyaga ayaa jaceyl isku doorteen anigana jaceyl ayaan ku guursan doonaa”

Hadii ay dhacdo in ay is guursadaan lamaanaha kala ah Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt waxay ka dhignaan doontaa in Ranbir dooqiisa ku guursaday iyo gabar uu jecel yahay ileen ma ahan gabar ay reerkiisa usoo dooqeyn waana la filaa in arooska lamaanahan dhaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here