Ranbir Kapoor Wuxuu Mudanyahay Wax Ka Weyn Abaal Marin Iyo Cadeemo La Helay Siduu Sanjay Isaga Dhigay (Sawiro+Video)

Ranbir Kapoor xaqiiq ahaan abaal marin walba ayuu uqalmaa in lagu siiyo filmka Sanju ee uu kaga hadlaayo noloshha Super Star Sanjay Dutt.

Ranbir muuqaal walba ee Sanjay noloshiisa sidii larabay ayuu u keenay wuxuuna hindiya tusay in aan lagu gaari karin in badan qab jiliinka door walbana sidee tahay kaga soo baxaya.

In lala yaabo ma ahan Ranbir sababto ah waxuu kasoo jeeda qoys qaab jiliinka fanka hindiya gacan laga taagay soo xasuuso Raj Kapoor oo ah awoowaha Ranbir Kapoor waa jilaa bari samaadkii looga haray qaab jiliinka iyo awood ahanba waxuuna la tartami jiray Dilip Kumar.

Sido kale qoyska reer Kapoor oo dhan ee Ranbir qaraabadisa ah sida Rishi Kapoor, Randhir Kapoor, Shashi Kapoor, Shammi Kapoor, Karisma Kapoor, Kareena Kapoor iyo kuwa kale waa jilayaal magac weyn kuleh fanka.

Hadaba waxa lasoo helay muuqaladii hore ee Sanjay Dutt iyo sawiro kuwaaso la isla bar bardhigay muuqaalada iyo sawirada Ranbir isaga dhigaayo Sanjay Dutt, fadlan halkaan hoose ka daawo adiga ayaaba u qiri doontid in Ranbir yahay jilaa aan qaab jiliinkisa la gaari karin doorkana u cadaalad falay…

 

 

1 Comment

Comments are closed.