Ugu dambeyn qoyska reer Kapoor ayaa waajibaadkooda u dambeeyay guteen waxayna soo gaba gabeyeen tacsida Rishi Kapoor ayagoo habkii hinduga usoo astureen ee caadada ahed.

Labo qaab ayaa loo asturaa meeydka Hinduga qaab waa meel banaan ah in lagu gubo sida aad Filimada ku aragteenba qaabka kalena waa in meeydka ama qofka dhintay jirkiisa la dhex galiyaa meel dab ka shidan yahay sida meel foorno oo kale.

Waana qaababka sahlan ee mudooyinkan dambe la isticmaalo qofka meeshaasa la galinaa qalaas halkaas dabka ka shidan yahay ayaa lagu gubaa labada qaabka waa gubitaan habka farsamada uun ayee ku kala duwan yihiin.

Tacsida waxaa ka qeyb galeen Randhir Kapoor oo Rishi walaalkiis ah, Ranbir Kapoor oo wiilkiisa ah Neetu Kapoor oo xaaskiisa ah Kareena Kapoor oo gabadhu adeer u ahaa ah iyo seygeeda Saif Ali Khan, sido kale Armaan Jain oo qaraabada kamid ah ayaa joogay halka Abhishek Bachchan xaadir ahaa. Sawiro ayaa laga soo bandhigay xili Ranbir dul taagan yahay meeydka aabihiid dhinaca kalena Alia Bhatt iyo Neetu wey ilmeynayaan hoos ka daawo.

Ugu dambeyn waxaa soo dhamaatay tacsida Rishi Kapoor meeshana waa lagu kala dareeray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here