Rangoli Chandel ayaa markale weerar ku qaaday xidigaha caanka ee kala ah Deepika Padukone, Alia Bhatt, Ranbir Kapoor iyo waliba Karan Johar waxayna sheegtay inee khiyaanoolayaan yihiin.

Rangoli ayaa kahor timid shaqsiyaadka caanka ah ee qarsadeen cadadka lacagaha ay ku bixiyeen la dagaalka caabuqa Coronavirus halka ay la safatay kuwa iyaga shaaca ka qaadeen ama la ogaaday tirada lacagahee la baxeen.

Akshay Kumar ayee difaacday dhowaan kaaso weerar kala kulmay siyaasi Shatrughan Sinha (Canjeex) oo isaguu Akki ku heystay sababta 25 Crore uu baxsaday saxaafada u sheeg sheegto marwalba.

Hadaba Rangoli ayaa Twitterka ku karbashtay xidigaha kor kuxusan waxayna tiri,”waa khiyaanoolayaal shaqsiyaadka deeq ahaan lacago ubixiyeen si Corona loola dagaalamo balse cadadka lacagahee bixiyeen qariyeen sida Deepika, Ananya, Alia, Ranbir iyo Karan.”

“Qiimaha kabaha ay ku xaragoodaan ama jaakatiinkooda qiimuhuu joogo ama guud ahaan labiskooda markee Airport-ga joogaan saxaafada ayee usheegaan dhamaantood maxaa diiday inee sheegaan kista yar ee ay sadaqo ahaan ula baxeen ee Corona looga hortagaayo.”

“Waxaa inoo cad dadkaan ineysan waxba baxsan oo hal Rupees xitaa aysan bixin hadii ay bixiyeena dadka hortooda haka cadeyaan oo hanala wadaagaan ama khiyaanoolayaal ayee akteena ka yihiin qof walba oo caan ah waxuu baxsaday inuu dadka usheego ayaa waajib ah si loo aamino qofkii qarsadaa waxbaa uqarsoon.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here