waxaana maalintii axada magaalada Mumbai lagu qabtay mid ka mid ah bandhigyada lagu bixiyo abaal-marinada ugu muhiimsan aktarada Bollywoodka ee lagu magacaabo The Star Screen Awards 2019

waxaana bandigan lagu abaal-mariynaayay jilayaasha ugu bandhiga wanaagsanaa sanadkii aan soo gudubnay ee 2018 iyadoo bandhigan lagu abaal-mariyay jilayaasha ay ka mid yihiin Kartik Aaryan, Alia Bhatt, Deepika Padukone, Ranveer Singh, Ananya Panday iyo jilayaal kale oo badan

laakiin arrintan waxaa ka carootay gabadha lagu magacaabo Rangoli Ranaut taaso la  dhalatay atariishada muranka badan Kangana Ranaut iyadoona si gaar ah u abaartay atariishada Alia Bhatt taaso ku guuleysatay atariishadaa ugu wanaagsan weliba waxa ay ku qaadatay filimka Gully boy

Rangoli ayaa arrintas ku tilmaamtay wax lagu qoslo maadaama ay sheegtay in si cad ah layska indho-tiray bandhiga walaasheeda ay ku muujisay filimka  Manikarnika- the queen of Jhansi

iyadoona wax lagu qoslo ku tilmaamtay in Alia Bhatt abaal-marinta atariishada ugu wanaagsan la siiyo iyadoona sheegtay Alia Bhatt kaliya inay bandhig ahaan filimka Gully Boy ay ku lagu qiimeeyay muuqaal 10 daqiiqo ah kaaso ay ku leedahay filimka Gully boy taasna waa xaqdaro weyn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here