Shalay oo kale 18 October 1996 waxaa la daawaday Filimka Soomaalida u taqaano “Rani Xaqaada Dhacso” balse magaciisa yahau Raja Ki Aayegi Bharat waxaana daawashadiisa kasoo wareegatay 23 sano.

Waa Filimkii ugu horeeyay Rani Bollywoodka kusoo gasha eaana markee soo caan baxday hadaba shalay ayuu mashruucan u dabaal dagaayey sanadguuradiisa kasoo wareegatay xiliga la daawaday mudo 23 sano ah.

Rani ayaa ka hadashay sida marnaba mashruucan u ilaawi karin nolosheedana gaar ugu yahay maadama maalinta tiyaatarada ka saarayey isla maalinkaan Rani aabahed Ram Mukherji saalada qalliinka la saarayey.

Waxay tiri iyadoo ka sheekeyneysa,”marnaba ma ilaawi karo Raja Ki Aayegi Bharat waa Filim xusuus gaar ah igu leh maalintii la daawanaayey aabahey ayaa qaliin lagu sameeynaayey waxaan ka kari weynay qaliinka halaguugu sameeyo asna wuu diiday.”

“Waxuu rabay inuu daawado bandhigeyga ileen waxuu ahaa markii ugu horeysay dadka arkayeen anigo atiriisho ah qaabkaa wax u jilaayo inuu daawado ayuu rabay dhaqaatiirta waxay lahaayen waqti ayaa socda aabaha ha ogolaado qalliinka ana waan iska ooynaayey xiligaas.”

“Mudo labo maalmood kadib markuu soo kacay ileen wuu suux sanaayey waxuu bilaaway inuu wax iga weydiiyo filimkeyga xaalkiisa isla maalinkaas ayaa tiyaatar inoo dhowaa u wadnay uuna kasoo daawaday isagoo kursiga curyaamiinta saaran.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here