Atiriishada caanka ah Rani Mukerji ayaa dhowaan ka qeyb gashay barnaamij Tv-yada ka baxa oo Neha Dhupia daadihiye katahay kaaso lagu marti qaado jilayaasha caanka ah Bollywood-ka waana lagu wareystaa.

Hadaba Rani ayaa halkaas arimo badan kaga hadashay waxay sheegtay in iyada iyo seygeeda Aditya Chopra dhowr jeer isku khilaafeen gabadhooda Adira aawged dagaalkana ma ahan mid dhamaad leh waki waa socdaa sida Rani sheegtay.

Rani Mukerji opens up on her fights with husband Aditya Chopra over daughter Adira

Gabadha dhowaan 4 jirka noqotay ee Adira waa laga qariyay saxaafada mana loo soo bixiyo banaanka lamana oga sababta gabadhaan loo qar qarinaayo saxaafada ayaana u xiiso qabaan inee sawiro ka qaataan gabadhaan yar muranka marwalba dhexmaro Aditya iyo Rani arinkaas ayuu salka kuhayaa.

Waxay tiri Rani,”isaga (Aditya) ma ogolo inaan banaanka uwado Adira oo wuxuu diidaya inee la falgasho saxaafada dadkana arkaan marwalbana waan ku muranaa arinkaa iyo qodobo kaleba” iyadoo hadalkeeda sii wadata hab kaftan ahna usheegeysa waxay tiri,” marwalbo is dagaalno aniga iyo Aditya inta badan Adira madaxeeda ayaa isku khilaafnaa waxaana nahay labo qof kala fikrad duwan.”

Dhanka shaqada Rani waxaa tiyaatarada usaaran Filimkeeda Mardaani 2 oo ganacsi hoose sameynaya waxuuna u badan yahay inuu guul dareesanaayo maadama jimcada masraxa la saari doono Dabangg 3.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here