Home » Nolosha Jilaayaasha » Rani Mukerji Iyo Xiriiradii Jaceyl Ey Lasoo Wadaagtay Atoorayasha Bollywoodka Caanka Ka Ah (+Sawiro)

Rani Mukerji Iyo Xiriiradii Jaceyl Ey Lasoo Wadaagtay Atoorayasha Bollywoodka Caanka Ka Ah (+Sawiro)

Boqoradii hore ee Bollywoodka Rani Mukerji waa mid kamid ah xiidgaha ugu wanaagsan dhanka qaab jiliin ahaan ee abid Bollywoodka soo maraan ayadoo abaal marino badan ku guuleysatay bandhigeeda wacan xidigtaan.

hadaba waxaan caawa falanqeyn doonaa nolosha gaarka ah ee Rani iyo xiriiradii jaceyl ee ay ka dhex heshay Bollywoodka.

mudadii ay fanka kudhexjirtay Rani waxaa nolosheeda soomareyn niman badan oo waqti lasoo qaateyn balse marka aan ka hadleyno Bollywoodka kaliya 5 atoore ayee xiriir jaceyl lasoo sameysya halma mid kamid ah 5 taas ay si rasmi ah ula aqal gashay.

Fadlan Hoos Kaga Bogo Rani Mukherje iyo Xidigaha Caanka Ah Ee Ay Xiriirka Jaceyl La Sameysay:

1- Rani Mukerji iyo Aamir Khan:

Sanadkii 1998-dii waxaa ay aheyd markii ugu horeysay oo ay filim wada keenaan xidigahan waxaana uu ahaa Ghulam kadib filimkaas waxaa yimid ka helitaan iyo jaceel laakiin dhibka ugu weyn ayaa ahaa in Aamir khan uu xiligaas xaasle ahaa uuna qabay xaaskiisa koowaad ee aheyd Reena.

Xiriirkooda kama aysan shaacin warbaahinta mudo ay wada socdeen waxaana ay u badasheen mid saaxibtinimo.

2-Rani Mukerji iyo Govinda:

Waxaa ay wada keeneen filimka Hadh Kar Dl Aapne sanadkii 2000 waxaana ku dhacay jaceel Govinda xili uu xaas lahaa,waxaa dhexmaray xiriir hoose waana ay ka diidi jireen warbaahinta inuu jaceel ka dhaxeeyo.

3- Rani Mukerji iyo Abhishek Bachchan:

Abhishek iyo Rani  ayaa wada keenay labo filim oo wada guuleystay waa Yuva(2004)  iyo Bunty Aur Babli (2005), kadib waa ay isku dhawaadeen balse Abhishek ayaa qalbiga ka jibiyay Rani maadaama uu ka doortay xaaska uu haatan qabo ee Aishwarya Bachchan.

4- Shahid Kapoor  iyo Rani Mukerje:

Sanadkii 2009 ayey isla wadaageen filimka Dil Bole Hadippa! (2009) waxaana ay yeesheen xiriir aan cimri  badneyn.

5- Rani Mukerji iyo Aditya Chopra:

Ugu dambeyn calafkeedii ayaa yimid, April 21, 2014 waxaa ay kula aqalgashay italy filim sameeye Aditya Chopra waxaana ay maalin kadib taageerayaasheeda u sheegtay “waxaan rabaa inaan idinla qeybsado maalinta ugu weyn ee nolasheyda.” sido kale waxay u heysaa filimsameyahan gabar lagu magacaabo Adira.

 

Dhamaad…….