Rani Mukerji Oo Ka Hadashay Kulankii Kowaad Ee Ay La Kulantay Seygeeda Aditya Chopra!

Rani Mukerji ayaa lagu casuumay barnaamijka Tv-yada ka baxa ee asaxaabta ku kulmaan kaaso lagu magacaabo  Vogue BFF  waxaan daadihiye ka ah Neha Dhupia oo marwalba xidigaha Bollywoodka ku wareesata.

Neha ayaa Rani weydisay kulanki kowaad ee ay la qaadatay Seygeeda AditYA Chopra Rani ayaa ku jawaabtay sida tan.

“Waxay ahed xili xaalka igu xunyahay micnaha aan aflaam badan oo aan sameyay iga guul daresteen, waxaan la kulmay Aditya waxuuna ii soo bandhigay dhowr aflaam inaan shirkadiisa Yash Raj Films u sameyo.”

“Ayadoo dadka xiligaas isaga ka akdhowaa iyo saxaafadab ay ku lahaayen Rani maxaad mashaariic fara badan ula saxiixaneysaa awoodeda hader wey dhamaate? Balse Aditya waxuu marwalba ku kalsoona aniga iyo qaab jiliinkeyga.”

“Kaasina waxuu ahaa kulanki kowaad ee an la qaatay Aditya waxaana ku noqonoya saaxibo ilaa maantana aan nolosha ka wadaagnay.”

Rani filmkeda xiga waa Hichki oo ay ku jileyso macalimad caruur madax adag wax bareyso waxaana la daawan doona 23 bisha Maaros ee sanadkaan 2018.