Rani Mukherji ayaa ka hadashay dooda aan dhamaadka laheyn ee ku aadan is qaraabeysiga Bollywood-ka ka jiro madaama garab la isku siiyo sida fanka ehelkaaga ugu badan yihiin.

Rani waxay tiri “Aniga ahaan seygeyga Aditya Chopra oo ah soo saare awood badan marnaba kalama hadlo cida uu shaqo siinayo xitaa aniga ma weydiisto inuu filim ii maal galiyo ama sheeko wanaagsan ii raadiyo, marka dooda is qaraabeysiga yaan la igu soo darin”

“Aniga iyo Aditya wada sheekeysiga na dhex maro waa jaceyl iyo gabadheena Adira mustaqbalkeeda intaas ayaa ii muhiim ah”

Rani oo hadalkeeda sii wadato waxay tiri “Aniga markii aan caruur ahaa ayaan jeclaa inaan atirisho noqdo waad weydiin kartiin hooyadeyda ee ma jirto in qoyskeyga xoog iigu soo dareen Bollywood-ka”

“Aabahey wuxuu ahaa filim soo saare ama sameeye aan guul saaxiib la ahayn sidaa darteed asiga ayaaba garab u baahnaa laakiin waa geesi madaama filimkeygii kowaad uu ii maal galiyay mana jirto qof sidaas sameyn karo”

“Sidaa darteed 21-sano ka hor aabahey is qaraabeysi ahaan Bollywood-ka iiguma soo darin asigaaba u bahnaa, anigana dadaalkeyga ayaan heerkaan kusoo gaaray”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here