Atirishada caanka ah ee laga dambeeyo Rani Mukerji ayaa baraha bulshada ku xustay una xiistay Superstar Rishi Kapoor oo geeriyooday dabyaaqadii bishii April ee aan kasoo gudubnay xili maanta kasoo wareegatay 16-sano daawashada filimka HIT-ka weyn noqday ee Classic ah Hum Tum waxaana wada jileen Saif Ali Khan, Rani Mukerji iyo Rishi Kapoor.

Rani Mukerji waxay tiri “Hum Tum waligeey waan xasuusan doonaa sababtoo ah waa filimkii adeer Chintu (Rishi Kapoor) isla sameenay. Waxaana si wanaag ku dheehan u xasuustaa markii aan filimkaan ku duubeenay Amsterdam. Waxaan dhawaan markii aan kulanay ka hor inta uusan geeriyoonin xasuusiyay waqtigii wacnaa Amsterdam ku qaadanay iyo sameyntii Hum Tum. Wuxuu ahaa shaqsi aad u dabeecad wanaagsan sidoo kalena jeclaa qof walbana inu wanaajiyo.”

Rani oo hadalka sii wadato waxay tiri “Waxaan xasuustaa Hum Tum inuu ahaa filim uu aqbalay Rishi inuu Saif aabihiis ku matalo markii uu sheekada mashruucan ka helay awalna wuxuu ahaan jiray hogaamiye aflaanta hormuud ka noqdo balse markii dambe wuxuu bilaabay inuu filimada doorar muhiim leh ka qaato waana wada ognahay doorkii muhiimka ahaa ee uu Hum Tum ku lahaa waa mid aan dhamaanteen ka wada helnay.”

Ugu dambeyntii Rani waxay sheegtay inay waligeed taageero u ahayd Rishi Kapoor kuna faani karto filimkii Hum Tum oo ay isla sameeyeen 16-sano ka hor inuu noqday mashruuc Classic ah sidoo kalena Rani ay ku qaadatay abaal marinta Filmfare Awards qaybta atirishada ugu wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here