Boqoradii hore ew Bollywoodka Rani Mukerji ayaa laga diiwaan galiyay hab dhaqan cajiib ah oo ay dheertahay qaar kamid ah jilayaasha Bollywoodka markii ugu horeysay ee la ogaadayna dadka wey la yaabeen in Rani sidaas sameyso.

Rani subaxii marka ay soo kacdo wax walbo waxay ka bilaawdaa inee xabad sigaar ah shidato oo ay qac kasiiso si maskaxda juusto u noqoto mana dhacdo inta badan iney hab dhaqankaan ka tagto waa u caado iyo dabeecad ay la qabsatay.

Xitaa iyadoo afka cadeysan ama.nadiifin ayee sigaar cabtaa kadib ayee buraashataa afka wax cunis cabitaana bilaawda hab dhaqankaan waxaa la ogaada wixii ka dambeyeen 2012 kahor Rani malaheen jadwal noocaan ah xiliyadan dambe ayee baratay.

Waxaa macquul ah inaad is weydiiso horts Rani sigaar ma cabtaa nolosha dhabta ah? Suaashan jawaabteda isla iyada ayaaba ka jawaabtay marhore afkeedana ka sheegtay inee leedahay balwad sigaar ah.

Sido kale hadeysan sheegi laheen xitaa dadka indhahooda ayaa u marqaati ah sababto ah xisaab malahan inta jeer ee la arkay Rani oo sigaar cabeyso ama xaflad ha joogto ama goob filim lagu duubaayo isku mid ayee u tahay si caadi ah ayee u shidataa oo ceeb kama ahan aktooda.

Balse waxaa layaab ah oo dadka qaar kala yaabeen in xidigtaan subaxdii hore sigaar shidato wax walbona ka hormariso midaas ayaa hadal heyn dhalisay hada kahor waana mid kamid ah hab dhaqanka cajiibka ah ee jilayaasha Bollywoodka leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here