Dhowaan muuqaal ayaa internetka lagu faafiyay kaaso ah haweeyney nolol hoose ku nool misane ka xamaalata boosteejooyinka tareenada laga raaco taaso ku heeseysa heeska “Ek Pyar Ka Nagma.”

Dad ayaa kasoo duubeen iyadoo heeseysa kadibna hawada ayaa lagu fasaxay malaayin dad ah oo reer Hindi ah ayuu gaaray muuqaalkaas dadka badankooda codka haweeyneydan wey ka heleen.

Kadibna waxaa u yeeray music yaqaanka caanka ah ee Himesh Reshammiya kaaso codkeeda ka helay shaqo ayuuna siiyay waxuu u dhiibay hees oo uu ku luuqee yiri taaso lagu soo dari doono Himesh filimkiisa xiga.

Maalmo kahor wareysi ayaa lala yeeshtay Ranu Mondal si wax loogu weydiyo sida dhaqsada ah ee ay caan ku noqotay nolol heer sare ahna u gashay waxaa kaloo la weydiiyay xan suuqa gashay ee sheegeysa in Salman Khan iyada guri siiyay ama u iibiyay.

Xanta intaa kuma ekaan waxaa kaloo la sheegay in Salman shaqo ka siiyay Filimkiisa Dabangg 3 si ay oga heesto balse Ranu Mondal waxyaabahaas oodhan wax kama jiraan ayee ku tilmaamtay.

Iyadoo ka hadleysa arinaa waxay tiri,”waan maqlay sheekadaas balse waa wax kama jiraan hadii Salman aniga guri isiin lahaa ama filimadiisa shaqo igasiin lahaa isaga ayaaba ku dhawaaqi lahaa si cad ayaana loo wada maqli lahaa balse wararkaan suuqa lagu faafiyay waa sheeko dad gaar ah soo sameeysteen.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here