Waxaan wada xasuusanaa wacdarihii ay shaashada ka dhigeen Ranveer Singh iyo Alia Bhatt markii ay kasoo wada muuqdeen filimkii ganacsi ahaan iyo sheeko ahaan hirgalay Gully Boy sidoo kalena labadan waxay ku qaateen mashruucaan abaal marin oo caalami ah haba ugu mug weynaato abaal marinta Filmfare Awards.

Haatan waxaa la sheegay in Director Sanjay Leela Bhansali isku keeni doono markale Ranveer iyo Alia wuxuuna u wada dhibi doonaa filimkiisa weyn Baiju Bawra waxaana la sheegay in labadan ay ka heleen sheekada filimkan taariikhiga ah oo horey sanadii 1952 asigoo isla magacan wato ay sameeyeen Meena Kumari iyo Bharat Bhushan.

Ranveer Singh horey wuxuu ugu sameeyay Director Bhansali filimada hirgaleen Ram Leela (2013), Bajirao Mastani (2015) iyo Padmavaat (2018) waxayna noqon doontaa markii 4-aad oo ay isla shaqeyn doonaan labadan guusha u saaxiibka ah.

Alia Bhatt haatan waxay duubis ku waday oo la hakiyay filimka Gangubai Kathiawadi  ee Bhansali Director ka yahay lana daawan doonaa 11 September 2020 waxay ka dhignaan doontaa in mar labaad la shaqeyn doonto filim sameeyahan Bollywood-ka awooda balaaran ku leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here