Xidiga tamarta badan Ranveer Singh si gaar ah waxaa saameyn ugu yeeshay shaqadiisa dhanka Bollywood-ka caabuqa halista badan Coronavirus madaama labo filim uu hogaamiye ka yahay cudurkan sababay mid daawashadiisa dib loo dhigo midna shaqadiisa ama duubistiisa gabi ahaanba aan la bilaabin.

Marka kowaad Ranveer Singh filimkiisa weyn 83 ee la daawan lahaa 10 April 2020 haatan dib ayaa loo dhigay lama garan karo xiliga la daawan doono madaama Hindiya dhibaato ku haayo Coronavirus sidoo kalena Ranveer filimkan waxaa ku wehliso Deepika Padukone halka jilaayaal kalena doorar muhiim ah ku leeyihiin.

Sidoo kale Ranveer filimkiisa fariinta taariikhiga ah xambaarsan Takht bishan Maarso duubistiisa waxay ka bilaaban laheyd dalka Talyaaniga balse Talyaaniga waxaa dhibaato daran ku haayo Coronavirus sidaa darteed Karan Johar oo filim Director ka ah wuxuu sheegay in gabi ahaanba mashruucan shaqadiisa la hakiyay.

Takht waa filim weyn oo fariin ahaan ku saabsan boqortooyadii Mughal ee xili Hindiya oo idil ka talin jirtay waxaana Ranveer ku wehliyaan Kareena Kapoor Khan, Alia Bhatt, Vicky Kaushal, Anil Kapoor, Jhanvi Kapoor iyo Bhumi Bednaker qorshahana wuxuu yahay in la daawado Christmas 2021 waana filim miisaaniyaad 200 Crore ka badan xambaarsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here