Ranveer Singh waa mid kamid ah jiilka cusub ee jilayaasha waqtigaan kuwooda ugu wanaagsa asigoona durba sameeyay filimaan guulo wacan gaareen sida Bajiro Mastani, Simmba, Paadmavaat iyo kuwa kale.

Ranveer Singh ayaa tan iyo yaraantiisa wuxuu taageere u ahaa Super Star Akshay Kumar wuxuuna sheegay in ku midoobistooda filimka Sooryavaanshi ay u tahay asiga riyo oo kale siweyna ugu faraxsanyahay inuu shaashada kala soo muuqdo Akshay Kumar.

Ranveer Singh ayaa sheegay in fursadii aduunka ay soo martay kadib markii loo sheegay in filimka Sooryavaanshi muuqaal marti ku yeelan doono wuxuuna intaas raaciyay in uu nasiib badanyahay marba haduu jilaaga uu taageero shaashada kala soo muuqan doono.

Filimka Sooryavaanshi waxaa Akshay Kumar ku wehlinaayo Katrina Kaif, Gulshan Grover, Abhimanyu Singh, Niharica Raizada, Jackie Shroff, Sikandar Kher, Nikitin Dheer iyo Vivan Bhatena waxaana muuqaalo marti ku leh Ranveer Singh iyo Ajay Devgan ayadoona uu Directed kayahay Rohit Shetty halka Karan Johar soo saare kayahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here