bollywoodka sanadkii hore waxa uu u ahaa sanad aroos madaama doobnimada ay ka baxayn aktaro badan sida Priyanka chopra Anushka Sharma, Sonam Kapoor iyo Deepika Padukone waxaana sanadkii hore dhacay aroosyada ugu badnaa ee aktarada Bollywoodka

arooska ugu weynaa waxa uu ahaa arooska Deepika padukone iyo Ranveer singh madaama ay labadooda yihiin labo aktar magac iyo maqaam ku dhex leh shirkadda bollywoodka

waxaana arooskan uu watay hadal-haynta weyn Ranveer singh ayaa waxa uu isku tilmaamay inuu yahay ninka ugu nasiibka badan adduunka madamaa uu gacanta ku dhigay gabadha loo doortay inay tahay gabadha ugu shidan qaarada asia ee Deepika padukone

Ranveer singh oo dareenkiisa ka hadlaya ayaa waxa uu yiri ” waxaan dareemay inan dhex duulaayo hawada sare mana aaminsani inan helay shaygii ugu muhiimsanaa nolosheeda waxan u malaynaya inay tahay sixir waxaan dareemaya inan ahay Super hero ka dib guurka Deepika Padukone waxaan dareemaya inan weligay aan arkin wax dhibaato ah”

Ranveer singh iyo Deepika padukone arooskooda waxa laga jooga hal sano iyagoo labadooda laga dareemaayo inuu dhex yaalo jaceyl innaba aan caadi ahayn

dhanka shaqada Ranveer singh waxaa ku mashquulsan yahay duubista filimka 83 kaaso la daawan doono bilowga sanadka dambe waxaan ku wehlisa atariishada xaaskiisa Deepka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here