Ranveer Singh iyo Deepika Padukone oo taageere isku dagaalay iyo Deepika oo maser labo geesood soo wajahay.

0
1374

Atariishada Deepika Padukone iyo jilaaga Ranveer Singh waa lamaane is qabo misna nolosha wadaago kuwaasoo uu guurkoodu dhacay sanadkii hore ee 2018dii.

Hadaba labadaan lamaane oo u dabaal dagayay sanad guuradii 1aad ee kasoo wareegatay guurkooda ayaa waxay cibaado beenoodkooda u aadeen mid kamid ah macbadyadooda si ay ugu soo duceystaan cimri dheer iyo iney isku waaraan.

Balse markii ay macbadka kasoo baxeen ayaa waxaa dhacday in taageerayaasha labadaan jilaa kusoo xoomaan dabcan waxaa meesha ku sugnaa ilaaladooda khaaska ah kuwaasoo jilayaasha ilaalinaayay si aysan xadgudub ula kulmin waxaana dhacday in gabar kamid ah taageerayaasha goobta joogay ay Deepika ku dhahdo; “Deepika waan ku jeclahay”.

Deepika ayaa gabadhii ugu jawaabtay anigaba waan ku jeclahay, balse Ranveer oo isna goobta joogay ayaa gabadhii ku dhahay anigaba waan ku jeclahay.

Markaas kadib Deepika ayaa maseer labo geesood soo wajahay iyadoo Ranveer weydiisay hadii uu gabadhaas u jecelyahay jaceylka uu iyada u haayo mid lamid ah iyadoona sidoo kale si kaftan ah u dhahday “taageerayaasheyda iiga leexo oo ha iga xadin”.

Dabcan Deepika in taageerayaasheeda laga qashqashaado marabin sidoo kalana in ninkeeda gabdhaha kale horteeda waa ku jeclahay ku dhaho ma aysan rabin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here