Home » Nolosha Jilaayaasha » Ranveer Singh Iyo Rohit Shetty Oo Ka Carareen Inee Box-officeka Kula Dagaalamaan SRK iyo Aanand L Rai Filmkoda!!

Ranveer Singh Iyo Rohit Shetty Oo Ka Carareen Inee Box-officeka Kula Dagaalamaan SRK iyo Aanand L Rai Filmkoda!!

Sidaan horey idiin kula wadaagnay Ranveer Singh iyo Rohit Shetty ayaa maanta lasoo bandhigay araktida koowaad ee filmkooda waxaana baraha bulshada soo dhigay Ranveer.

Sido kale magaca filmkaan iyo xiliga la daawan lahaana waa la shaaciyay sida awged warar ayaa sheegaya in Rohit Shetty filmkiisa dib u gurasha bilaaway kadib markii uu ka fogaaday inuu SRK Box-officeka kula dagaalamo.

Sida lawada ogyahay SRK iyo Aanand L Rai filmkoda kaaso uu SRK nin gaaban ku matalaayo waxaa marhore la qorsheyay in la daawan doono ciida masiixiga qaasatan 21 Dec ee sanadka dambe.

isla taariikhadas hadana waxaa sheegteen kooxda filmka Kedarnath ee ay Sara Ali khan Bollywoodka kusoo galeysay oo ayagana 21 Dec kudhawaaqeyn in la daawan doono mashruucoda.

Sidaa awged ilo kudhow Rohit Shetty ayaa xaqiijiyen in marka Rohit arinkaas ogaaday uu dib ugurasho bilaaway asigo diidana in filmkiisa Box-officeka kula dagaalamo SRK filmkiisa iyo Sara Ali khan filmkeeda.

Sidaa awged waxaa la xaqiijiyay in Rohit filmkiisa la daawan doono 28 Dec 2018 waana isbuuc kadib marka aflaamtaas tiyaatarad la saaro.

Filmkaan Simba waxaa duubis lagu bilaawi doono 18 May 2018 halka la qorsheeyay in la daawan doono 28 Dec 2018 waana film Action ah oo uu Ranveer wacdaro kudhigi doono.

 

One Response to Ranveer Singh Iyo Rohit Shetty Oo Ka Carareen Inee Box-officeka Kula Dagaalamaan SRK iyo Aanand L Rai Filmkoda!!

  1. anas xukun (srk) Reply

    December 7, 2017 at 10:25 pm

    sxp filmkan wali magac malooo bixiyay sheeko ahaanse makula tahay inay soo celin karto mucjisadii abwaanka jacaylka king Khan yaaase LA jilaaya filmkan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *