Home » Bollywood News » RANVEER SINGH: “Maalin walba 15 jeer ayaan iska raadiyaa google-ka”

RANVEER SINGH: “Maalin walba 15 jeer ayaan iska raadiyaa google-ka”

Ranveer Singh wuxuu ka mid yahay jillaayaasha door walba kasoo bixi kara ee ka xamaasha Bollywood.

Sannadka soo aadan Ranveer Singh wuxuu ka shaqeyn doonaa aflaan xiiso leh, sida filimka Zoya Akhtar ee Gully Boy oo ay la hogaamineyso Alia Bhatt, Temper Remake oo uu leeyaha Rohit Shetty iyo filimka Kabir Khan ee looga hadlayo taariikh nololeedka Kapil Dev.

Si kastaba ha ahaatee, Ranveer Singh waxaa lagu yaqaannaa inuu leeyahay caadooyin qariib ah. Waxaana ka mid ah inuu maalin walba isagu iska raadiyo shabakadda Google.

Isagoo arrintaan ka hadlayey Ranveer Singh wuxuu yiri: “Maalin walba ayaan iska baaraa Google-ka, meel walba oo aan tago waan iska baaraa Google-ka.

“Qiyaastii inta u dhexeysa 5 illaa 15 jeer ayaan maalin walba iska baaraa Google-ka. Haddii uu shaqsi kale isku dayo inuu idiin sheego xog kale oo middaan ka bedelan, yaan la rumeysan maxaa yeelay been ayey idiin sheegayaan”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *