Ranveer Singh iyo Deepika Padukone waxay si rasmi ah u aqal galeen sanadii 2018 kadib markii mudo sedex sano ah xiriir qarsoonaa marna banaanka lasoo dhigaayay ka dhaxeeyay haatana waxay ka mid yihiin lamaanaha Bollywood-ka ugu awooda badan. Waxayna shacbiyad baalaran ku kasbadeen si heerka sare ah oo ay filimo badan cajiib ah iskula jileen ayagoo abaal marino iyo guulo lixaad eh wadaageen.

Waxaan idiin heynaa warbixin ka hadleyso Deepika iyo seygeeda Ranveer daqliga soo galo, hantida guud ay heestaan iyo macluumaad kale oo xiiso badan oo laamahan caanka ah u gaar ah iyo sidoo kale labadooda midkii daqli badan ama hanti badan.

Deepika Padukone daqligeeda & hantida ay heesato: sida ay shirkada caanka ah Forbes shaaca ka qaaday Deepika daqli ahaan waxay kasbatay 48 Crore ($6.32m) sanadkii hore ayay lacagtaan soo gashay wuxuuna daqligan kasoo galay filimada ay sameesay iyo xayeysiimaha kala duwan oo ay kasoo muuqato. Hantida guud ay Kareena Kapoor heesato waxaa lagu sheegay inay tahay $20m (155 Crore).

Ranveer Singh daqligiisa & hantida uu heesto: sida ay shaaca ka qaaday shirkada Forbes sanadkii hore Ranveer Singh daqli ahaan waxaa soo galay 118.20 Crore ($15.55m) wuxuuna daqligan adag ka kasbaday dhanka filim sameynta iyo xayeysiimaha kala duwan uu sameeyo una dheer tahay xaflada uu kasoo muuqdo. Hantida guud uu Ranveer Singh heesto sida diiwaan gashay sanadkan 2020 waxaa lagu sheegay inay $40m ($305 Crore) gaareyso.

Hantida ay heestaan Deepika Padukone & seygeeda Ranveer Singh: Lamaanahan caanka ah sidoo kalena awooda badan wadar ahaan hantidooda waxay gaareysaa $60m waxaana lagu tilmaamaa inay ka mid yihiin kuwa ugu caansan uguna taajirsan Bollywood-ka ee nolol dhab ah ka dhaxeyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here