Bilawgii sanadkan Stylish Star Allu Arjun wuxuu Hindiya ku qabsaday filimka Ala Vaikunthapurramuloo ee All Time Blockbuster-ka noqday sidoo kalena iskooro waali ah dhigay kadibna waxaa lagu dhawaaqay in mashruucan hirgalay asigoo Bollywood ah la sameenayo sidoo kalena Kartik Aaryan hogaamiye ka noqon doono.

Balse shabakadaha kala duwan Hindiya waxay bilaabeen maal mihii ugu dambeeyay sheeko ku aadan in filimka Ala Vaikunthapurramuloo dib u sameyntiisa asigoo Bollywood ah Ranveer Singh gacanta ku dhigay sidoo kalena dib u sameynta filimkan lacago waali ah kaga qaadan doono kooxda iska leh.

Balse Ranveer ayaa shabakada Bollywood Hungama u waramay wuxuuna si rasmi ah u beeniyay inuu filimka Ala Vaikunthapurramuloo dib u sameenayo wuxuuna sheegay inuusan waqti u heli karin mashruucan sidaa darteed qorshahana aysan ugu jirin hogaaminta filimkan xiisaha badan.

Ranveer waxaa u diyaarsan filimada 83 oo la daawan lahaa 10-kii April 2020 kaasi oo baaqday iyo Jayeshbhai Jordaar oo isagana la daawan doono bisha October dabyaaqada sanadkan wuxuuna dhawaan duubis ku bilaabi doonaa filimka weyn Takht ee Karan Johar iska leeyahay kaasi oo waqti ahaan kaga baahan inuu galiyo 18-bilood waxaana filimkan weyn ku wehliyaan Anil Kapoor, Kareena Kapoor Khan, Alia Bhatt, Janhvi Kapoor, Bhumi Pednekar, Anil Kapoor, iyo Vicky Kaushal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here