Ranveer Singh Oo Abaal Marintiisa Si Qiiro Leh Ugu Wareejiyay Sridevi Oo Geeriyotay kuna Sharfay Hadalka Qiirada Lahaa!

Atooraha Ranveer Singh ayaa ka qeyb galay xaflada heerka sare loo agaasimay ee Hello Hall of Fame Awards taaso ay kasoo qeyb galeen jilayal fara badan iyo dad fanka qeybahisa kala duwan ka shaqeyaan.

Ranveer aya ku guulestay abaal marinta madadaaliyaha ugu wanaagsan ama jilaa howl adag qabtay waxuuna ku qaatay bandhigiisa filmka Padmaavat ayadoo Deepikana la gudoonsiyay abaal marintaan halka Shahid jilaaga ugu qaab jiliinka wanaagsan lagu gudoonsiyay bandhigiisa.

Ranveer ayaa masraxa soo fuulay si uu u gudoomo balse wuu iska diiday abaal marinta waxuuna yiri,”Waad mahadsantihiin dhamaan marti sharafta iyo maamulka xaflada waxaa halkaan la igu gudoonsiyay abaal marinta madadaaliyaha ugu wanaagsan ee shaqo adag la yimid waana markii ugu horeysay aan abaal marintaan ku guulesto waxaana midaas kaga mahadcelinaya mudane Sanjay Leela Bhansali oo iga dhigay Xidig.”

“Balse aniga waxaan abaal marintaan gudoonsinaya mid kamid ah jilayaasha hindiya ugu wanaagsan iyo dadka shaneemoyinka hindiya laga jecelyahay mid kamid ah waana Super Starada weyn ee Sridevi Kapoor taaso naga tagtay.”

“Qaab jiliinkeda cajiibka ahaa iyo shaqadii adkeyd ee ay fanka usoo qabatay ma ahan mid aan ilaawi karno abid iyada ayaana iga mudan abaal marintaan maanta hadi ay noolan lahed adinko u jeedan ayaanba gudoonsiin lahaa balse ma gudoomi karo aniga waxaana u niyestay halyeeydas naga tagtay.”