Home » Nolosha Jilaayaasha » Ranveer Singh oo bilaabay isku diyaarinta filimka 83 ee nolosha cayaaryahan Kapil Dev looga hadlaayo

Ranveer Singh oo bilaabay isku diyaarinta filimka 83 ee nolosha cayaaryahan Kapil Dev looga hadlaayo

Ranveer Singh wuxuu ka mid yahay atoorayaasha ugu mashquulka badan Bollywood-ka sidoo kalena gacanta ku heesto aflaan waa weyn oo ay iska leeyihiin filim sameeyayaal laga heybeesto.

Haatan Ranveer wuxuu isku diyaarinayaa duubista filimkiisa xiga 83 ee looga hadlaayo nolosha kabtankii xulka Hindiya u qaaday koobkii aduunka cayaarta Cricket-ka sanadii 1983 Kapil Dev.

Filimkan fariinta waaqiciga ah xambaarsan waxaa Director ka ah Kabir Khan isaga iyo Ranveer waxay gaareen London ayagoo daawadeen cayaar Cricket-ka ah oo dhex martay Hindiya iyo Ingiriiska weliba waxaa garab taagan ruug cadaaga Cricket-ka isagana caan ku ah Sachin Tendulkar.

Ranveer Singh begins prep for Kabir Khan's '83 with Master Blaster Sachin Tendulkar at Lord's in London

Director Kabir Khan ayaa sawirka sare baraha bulshada soo dhigay soona raacsiiyay qoraalkan “Sachin Tendulkar wuxuu jiray 9-sano markii uu Tv-ga ka daawaday Hindiya oo koobkeedii aduunka ugu horeeyay ku guuleesaneyso weliba garoonkan ku qaadeen guushana uu ku hogaamiyay Kapil Dev”

“Guushaas waxay Sachin Tendulkar ku dhiiri galisay inuu cayaartooy Cricket-ka xirfad ka dhigto noqdo, maantana 35-sano kadib filimkeena 83 diyaar garowgiisa waxay ka bilaabatay garoonka Lords ee aan guusha taariikigi ahayd ku gaarnay”

Ranveer Singh begins prep for Kabir Khan's '83 with Master Blaster Sachin Tendulkar at Lord's in London

Filimka 83 ee Ranveer nolosha Kapil Dev ku matali doono waxaa la qorsheenayaa in la daawado 5 April 2019 waxaana maal galinayaan shirkadaha Reliance Entertainment iyo Phantom Films.