Ranveer singh waa aktar sameenaya horumar weyn waxaana la hubaa inuu bollywoodka hogaamin doono mustaqbalka dhow

aktarkan ayaa dhexda kaga jiraa waayo aad u qurux badan maadaama labadiisa filim ee ugu dambeesay kuwaaso kala ah padmavaat iyo simmba ay u wada  guuleystayn

aktarkan ayaa hadeertan waxa uu dhex kaga jiraa mashquul maadaama uu xayeesiin u sameenayo filimkiisa gully boy kaaso la daawan doona 14 febraayo kaaso ku beegan maalinta jaceylka adduunka

Ranveer singh isagoo dhawaan ku guda jira xayeesiin u sameynta filimka gully boy ayaa waxa uu halkaas ka sheegay inuu dib dambe u samayn doonin doorka xumaanta ranveer ayaa sheegay doorkiisa allauddin filimkiisa padmavaat inuu yahay doorka xummaanta kan ugu dambeeyay ee sameeyay

Ranveer singh oo saxaafada la hadlaya ayaa yiri ” dad badan ayaa igu amaanay doorkayga allauddin laakiin waxaa jira dad qaar kuwaaso aan naceyb u muujiyeen doorkaas laakiin hadda waan is-badaly sababtoo ah waxan ahayd xaasle mana doonaayo in caruurteeda inan shaashada ku arkaan anigoo dad dhibaateenaayo “

Ranveer singh waxaa 14 bishan febraayo ee Sanadkan tiyaatarada loo saari doonaa filimka lagu magacaabo kalank gully boy kaaso ay la hogaamninayso atariishada alia bhatt

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here