Xidiga awooda badan Ranveer Singh door dhibaayo ama muuqaal uusan sameyn karin malahan sidii aan horey uga aragnay balse markaan ayuuba kasii daray sida uu isku badalay filimkiisa cusub Jayeshbhai Jordaar waji cusub ugu sameesto oo siweyn loo hadal haayo aragtida ama kaartada kowaad laga soo bandhigay.

Filimka Jayeshbhai Jordaar waxaa maal galineyso shirkada Yash Raj Films (YRF) dhawaana duubistiisa ayaa si rasmi ah u bilaabatay wuxuuna Ranveer Singh filimkan ku matalayaa nin reer Gujarati oo shactiroole ah sidoo kalena dadka dhibaateen wax u qabanaayo balse dabcigiisa yahay si degan oo qaab shactiro leh inuu u dhaqmo waana mashruuc fariin arimaha bulshada ah xambaarsan oo hab shactiro loo dhigay.

Director Divyang Thakkar ayaa amaan balaaran usoo jeediyay Ranveer Singh sida uu doorka filimkan Jayeshbhai Jordaar kaga run sheego wuxuuna ku tilmaamay jilaaga ugu xirfada wanaagsan dhalinta Bollywood-ka heestaan asigoo ku faraxsan la shaqeyntiisa wuxuuna ku kalsoon yahay in filimkan daawadayaasha siweyn usoo jiidan doono hadal xoogana Ranveer muuqaalkiisa abuuri doono.

Ranveer Singh marka laga soo tago filimka Jayeshbhai Jordaar uu haatan duubis ku bilaabay sidoo kale waxaa u diyaarsan filimka 83 oo la daawan doono 10 April 2020 sidoo kalena Bisha Febraayo sanadka dambe wuxuu duubis ku bilaabi doonaa filimka weyn Takht ee Karan Johar iska leeyahay ayadoo aan horey u ogeyn in xidigan sedexdiisa filim ugu dambeeyeen Padmaavat, Simmba iyo Gully Boy HIT dhameestiran wada noqdeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here