Maanta oo kale 14 November 2018 waxaa si rasmi ah isku guursadeen lamaanahana caanka ah Ranveer Singh iyo Deepika Padukone kuwaaso mudo 7 sano ah xiriir soo lahaa ugu dambeyna jacelkooda wey ka dhabeyeen lamaanahan.

Mudo sanad ah ayee nin iyo xaaskiisa wada ahaayen waxaana maanta loo dabaal dagayaa lamaanahan sanad guurada arooskooda waa kuwa nolosha dhabta ah iyo shaashadaba isku fahmeen.

Arinka layaabkase waxuu yahay in lamaanahan maanta booqdeen Mandirka ugu weyn reer Hindiya ee lagu magacaabo Venkateswara Temple maadama sanad guuradooda kowaad ee arooska tahay halkaas ayee utageen inee kasoo duceestaan.

Duco gaar ah ayee sameyeen Sanamka ayee kasoo baryeen cimri dheer iyo caafimaad waana arin foolxumo shirki ah ka muslim ahaan maba la yaabeno ileen iyagu waa dad heesta diinta hinduuga halkaas ayee barako iyo duco ka doontaan.

Waxay baraha bulshada kusoo qoreen,”waxaan u dabaal dageynaa sanad guurada arooskeeda ugu horeysay sidaa aawged Mandirka Venkatiswara ayaa maanta booqanay si aan oga soo duceysano waadna ku mahadsantihiin asaxaabta meel walbo joogtaan sida aad inoogu hambalyeyseen.”

Taageerayaashooda muslimiinta ah ayaa dhibsadeen inee Mandir aadaan cimri dheer iyo inee isku waaraana kasoo baryaan Sanamka dhanka shaqada lamaanahan waxay wada sameyn doonaan Filimka 83 oo ay atiriisho iyo atoore ka yihiin 2020 ayaana la daawan doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here