Ranver Singh ayaa sheegay inee Deepika Padukone ka dambeyso 40 daqiiqo ee uu kasoo daahay ama kasoo raagay xafladii lagu soo bandhigaayey goos gooska Filimka Sooryavanshi.

Muuqaalkii Ranver uu sidaa kuyiri ayaa Instagram-ka la dhigay laakiin Deepika ayaa ka aamusi weyday misane si adag iski difaacday sidaan wada ognahaya markii goos gooskan lasoo bandhigaayey Ranver ayaa 40 daqiiqo la sugaayey oo kooxda oodhan heegan ayee ahaayen.

Ranver markuu yimid wuu cuddur daartay laakiin Akki ayaa ku camirtay waxuuna yiri,”ninkaan 40 daqiiqo ayaa sugeynay malaha Deepika ayaa soo daahisay” kadib Ajay ayaa kudarsaday misane yiri,”xaaskiisa magaalada ma dagano ayaa umaleynaa saasu usoo daahay.”

Ranver ayaa isagana kaftanka dhankiisa ka galay misane sheegay in iyada ay ka dambeyso dhibkaan oodhan hadaba Deepika oo muuqaalkaas daawatay ayaa farriintan soo dirtay,”waa run xaaska magaalka wey ka fogtahay laakin waqtiga ballanta loogu talo galay ayee timaada mida kale meesha aan aniga ku mashquuliyay oo aan ku daahiyay asaa sheegi doono ha yimaado guriga.”

Ilaa hada lama oga cashirka Deepika siisay Ranver maadama uu iyada ku marmarsiiyoday markii 40 daqiiqo uu kasoo daahay Superstars waaweyna waqti ka lumiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here