Ranver Singh oo ah atooraha ugu tamarta badan Bollywoodka ayaa walwal ka haayo atooraha lagu naaneeso “shukulaatada Bollywoodka” Ranbir Kapoor sabab la xiriirta guurkiisa ayuuna walwalkan u hayaa.

Labadan atoore waa saaxiibo nolosha dhabta ah aadna isugu dhow sido kale waxuu Ranver guursaday Deepika oo xili si waali ah u jecled Ranbir Kapoor inkastoo hader ay udhaxdo Ranver Singh balse wali dadka qaar ayaa aaminsan in Deepika qalbigeeda jaceylkii Ranbir wali ku dambeeyo.

Xafladii Filimfare ee 2019 waa mid aan la ilaawi karin maadama Ranbir, Ranver, Deepika iyo Alia ay siweyn ushideen sido kale afartooda wey is akfadhiyeen dareen jaceyl iyo saaxiibtinimo ayeena goobta ku muujiyeen qofkii daawaday ayaana xusuusan karo.

Hadaba Ranbir wali ma uusan guursanin Alia waxaana la filaa dhamaadka sanadkaan ama bilawga sanadka dambe inuu arooskooda dhaco laakiin maxay tahay walwalka Ranver Singh uu ka qabo dhanka Ranbir waqtigaan la joogo iyo sababta uu u doonaayo inuu Ranbir guursado.?

Labo sabab ayaa jirta oo Ranver u doonaayi inuu dhaqsi kudhaco arooska Ranbir Kapoor. Mida kowaad waa saaxiibkiis wuxuuna jecel yahay in arooskiisa dhaqsi dhaco siduu isaga u aqal galay ayuuna u jeclaan lahaa in Ranbir na u aqal gali waana sababta kowaad ileen saaxiibo isku dhow ayee yihiin.

Mida labaad waa Deepika aawged waayo Ranver waxuu ogyahay Deepika ine jecled Ranbir ilaa hadana akteeda qaali ayuu ka yahay dadka qaar ayaana aaminsan in Deepika qalbigeeda dareen Ranbir ah uu ku dambeyo laakiin suurto galnimada hadalkaas waa mid yar.

Qodobka kowaad waa la isku wada waafaqsan yahay balse qodobka labaad dood ayaa ka taagan adiga ahaan akhriste maxay kula tahay?

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here