Xidiga caanka ah Ranver Singh ayaa so gaba gabeeyay duubista Filimkiisa 83 kaaso uu hogaamiye ka yahay waxaana la jileyso xaaskiisa Deepika Padukone waana mashruuc xiiso leh oo la wada sugaayo xalay ayeena xaflada lagu xiraayey mashruucan dhigteen kooxdan.

Hadaba maanta ayaa la arkay Ranveer oo u amba baxaayo magaalada Hyderabad si uu usoo duubo filimka Sooryavanshi kaaso Akshay Kumar hogaamiye ka yahay isaga Ranver ahna muuqaal marti ah ayuu ku leeyahay oo uu Akki shaashada kula wadaagaayo.

Mid kamid ah kooxda filimka 83 ayaa saxaafada arinkaan la wadaageen in Ranveer xalay albaabada usoo laabay 83 haatana uu bilaawi doono ka howl galka Sooryavanshi. Mudo hal todobaad ah ayuu so joogi doona magaalada Hyderabad ee koonfur India kadibna waxuu bilaawa xayeysiin u sameynta Filimkiisa 83.

Dhanka kale Sooryavanshi waa mashruuc dagaal ah oo uu hogaaminaayo Akshay Kumar waxaa la sheegay in Ranver muuqaalkiisa martida ah oodhan Akki shaashada kula qeybsan doono maadama uu taageero u yahay waa lagu casuumay mashruucan uu Director-ka ka yahay Rohit Shetty.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here