Sidaan horey idiin kula wadaagnay waxaa barnaamijka The Kapil Sharma Show kawada qeyb galeen Director Rohit Shetty, Ranver Singh iyo Sara Ali Khan xili ay xayeysiinayeen Filimkooda Simmba waana idiin la wadaagnay ayaa jecelnahay wareysigaas.

Balse qeybta Ranver Singh kaga hadlah barnaamijkaas waan ka gaari weynay inaan idiin so gudbino iyo wixii uu ka dhahay Sara Ali Khan fadlan hoos kaga bogo dad badan ayuu xidigaan ka qosliyay:

Kapil Sharma: Ranver ma inoo sheegi kartaa kulankii kowaad ee aad Sara la kulantay iyo wixii idin dhexmaray?

Ranver Singh: Haa, waxa ahed xili aan shaqo ka imid waxaana joogay meel xeeb ah oo dallad ayaa ku hoos jiray misane meesha ayaa ku nasanaayey si aan ugu qabowsado kuleel ayaana jiray waxaana damacsanaa cabaar kadib inaan qubeysto.”

“Si lama filaan waxaa dalladii iigu imaadeen Sara Ali Khan oo gabar saaxiibteed la socoto aniga aqoon sidaa ah uma laheen waxayse iisheegtay ine tahay Saif Ali Khan gabadhiisa kadib ayaa sifiican usoo dhaweeyay laakiin arinka layaabka leh waxuu yahay waxay iilq dhaqantay qof ay 10 sano taqaano oo kale.”

“Dalladii ayee iyada iyo saaxiibteed ila soo galeen oo anigaba cariiri igu ahed (kadib waxaa wada qosleen martida barnaamijka, Kapil, Sara iyo Rohit oo meesha fadhiyaan) aniga yaab ayaa iga soo haray waan feero qaawanahay xeebna waan joognaa kuleelna waa jiraa waxaana rabay inaa nasto.”

“Laakiin gabar meeshaan waxaad moodaa in xabsi laga soo daayey oo ay afka ka xirneed sheeko ayee ii gashay ani “haye” “haa” kaliya ayaan ka bixi waayey wey iga yaabisay kadib waxay iisheegtay in ay Simmba atiriisho iyada ka noqon doonto oo Rohit Shetty uu usoo ogolaaday ugu dambeyna wey iga tageen.”

“Markee baxeen neef ayaa igasoo fuqday markaasa anoo nafteyda la hadlaayo isdhahay Ranver gabadhaan saan u war badan hada ayeeba kaa yaabisay sidee Filim dhan ula sameyn doontaa kulankii kowaad ayeeba saan kugu dhigtee ” kkkkkkkkk.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here