Lamaanaha Deepveer hader waxay wada nool yihiin kudhowaad hal sano iyo bar asal ahaana xiriirkooda waxuu kasoo bilawday Filimkii Ramleela ee 2013 ahaa Filimkaas wixii ka dambeeyay mudo 6 sano ah ayee xiriirkooda qarin jireen.

Ugu dambeyn November 2018 ayee aqal galeen ayagoo xiririkooda Instagram-ka ku shaaciyeen iyo waliba arooskooda hadaba hal sano iyo bar kadib Deepika waxay inoo sheegtay in Ranver ay u maleyn jirtay wiil reer Delhi ah balse uu ku noqday wiil reer Mumbai ah.

Waxay tiri iyadoo hadleysa misane wareysi bixineysay,”markii hore waxaan u maleyn jiray Ranver inuu reer Delhi yahay balse gadaal dambe waxaan ka ogaaday inuu yahay wiil xaafada Bandra kasoo jeedo (Mumbai) anigana wiilasha reer Mumbai waligey inaan xiriir la sameeyo iskadaaye shukaansi caadi ah inuu na dhexmaro waan iska ilaalin jiray waxaan midaas ka door bidaa wiil koonfur inaan la saaxiibo.”

Ranver oo dhinaceeda fadhiyay ayaa yiri,”Haddee sidaa tahay hader ayaan aada koonfur India misane anigoo labiska dhaqanka koonfur India xiran (Dhoti) waxaana dagayaa Tirupati ee 2-maalmood gudahood igusoo doono anigoo reer koonfur ah.”

1 COMMENT

  1. Wararkiina dhamaan waan prank sideen ku aaminaa waaan idinka aamin baxnay . Marki hore waan xiiseyn jiray warkiina lkn hadda maya ilaaa raali gelin ka bixisaan waxaaso kalena iska dayaaa mahadsanidin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here