Rashmika Mandanna oo ah atiriisho hader madaxa sare usoo qaadaneyso ayaa aad loo dhaliilay heeskeedana cusub ee kujirta Filimka Pogaru kaaso ah mashruuc Kannada waana hees daawadayaasha doorka atiriishadan dhaliileen.

Heeska waxaad ku arkeysaa atooraha oo bahdil ku sameynaayo atiriishada sida inuu aflagaadeyo misane ku qasbaayo inee xoog ku jeclaato dad badan ayaana dhaliileen arinkaas doorka atiriishadana cambaareyeen sida loo galay waxayna tilmaameen in wad ka bedelaan.

Xidigtaan waa atiriisho dooneysa inee maqaam sare ka gaarto fanka hindiya balse xili hore ayeeba muran xoogan dhexda ka gashay mana ahan markii ugu horeysay atiriisho doorkeeda sidan oo kale loo dhaliilo waxaan xusuusana Kiara Advani sanadkii hore.

Kabir Singh doorka ay ka cayaareysay kiara Advani aad ayaa loo dhaliilay waxayna daawadayaasha u arkeen mid dumarka lagu amar taagleenaayo waana laga horyimid door ahaan sidaas si lamid ah Rashmika ayaa maanta la heestaa.

Dhanka kale xidigtaan Filimkeeda ugu horeeyay ee Tamil ahaa waxuu ahaa Sultan oo ay la jishaya Karthika atooraha lagu magacaabo sido kale Pogaru oo Filim Kannada ah waxuu qorshaha ahaa in la daawdo 2 April balse dib ayaa loo dhigay Coronavirus aawgii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here