Rasm: Filimka Mission Impossible 6 – Fallout iyo mudo labo todobaad ah ganacsigiisa gudaha Hindiya

Superstar Tom Cruise filimkiisa Mission Impossible 6 – Fallout ayaa si wacan isku celiyay ganacsi ahaan todobaadkiisa labaad ee uu gudaha Hindiya saaran yahay asigoo keenay 19.75 Crore (Trade Figure) ama 20 Crore ku dhow wuxuuna sameeyay 63% hoos u dhac ah.

Filimka Mission Impossible 6 – Fallout mudo labo todobaad ah wuxuu soo xareeyay 73.50 Crore (Trade Figure) sidoo kalena wuxuu ku socdaa cimri ahaantiisa inuu 80 Crore ku istaagi doono.

Waa qasab inuu filimka Mission Impossible 6 – Fallout dhaafo ganacsiga filimka Avengers – Age of Ultron oo soo xareeyay 76.50 Crore (Trade Figure).

Balse marka laga hadlaayo canshuurta ka hor lacagaha lasoo xareeyay waxaa badnaan doono Avengers – Age of Ultron oo keenay 105 Crore canshuurta ka hor (Gross Money) halka filimka MI6 ganacsigiisa canshuurta ka hor yahay 95 Crore (Gross Money) mudo labo todobaad ah.

Fadlan hoos kaga bogo MI6 iyo ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay mudo labo todobaad ah soona daabacday shabakada BOI waana lacagta nadiifka ah canshuurta ka hor:

Todobaadka kowaad – 53.75 Crore

Todobaadka labaad – 19.75 Crore

Wadarta Guud – 73.50 Crore (Trade Figure)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*