Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay goos gooska filimka xiisaha badan ee la wada sugaayay Angrezi Medium waana qaybtii labaad filimkii Classic ahaa Hindi Medium ee Irrfan Khan sanadii 2017 ku qaatay abaal marinta atooraha ugu wanaagsan shirkada Filmfare Awards bixiso haatana sedex sano kadib mashruucan qaybtiisa labaad waa diyaar.

Filimka Angrezi Medium markaan mashruuc weyn ayaa laga dhigay waxaana lagu soo daray Kareena Kapoor Khan sidoo kalena waxay ku jileysaa door askariyad ah oo London ka hawl gasho waxayna halkaas ku kulmayaan Irrfan iyo gabadhiisa oo UK ku cusub wuxuuna Irrfan London u tagaa in gabadhiisa waxbarasho tayo sareyso u raadiyo balse qaali ah.

Filimka Angrezi Medium waxaa Director ka ah Homi Adajania waxaana la daawan doonaa 20 Maarso 2020 sidoo kalena waxaa doorar muhiim ah ku leh Radhika Madan, Deepak Dobriyal, Dimple Kapadia, Ranvir Shorey, Pankaj Tripathi & Kiku Shard.

Fadlan u daawo filimka Angrezi Medium xiriirka adag iyo jaceylka qotoda dheer iyo aabo iyo gabadhiisa ka dhaxeeyo iyo aabaha oo aan hanti heesanin balse jecel gabadhiisa waxbarasho kasto oo ay ku taameyso inuu la raadiyo qarash walbo oo ku baxaayo:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here