Bollywood Mr.Prefectionist Aamir Khan ayaa qoraal rasmi ah soosaaray uu kaga hadlaayey in shaqaalihiisa gaarka ah laga helay caabuqa Covid-19 sido kalena waxuu tilmaamay in hooyadiis ay halis kujirto inuu kudhaco cudurka waxuuna rajeynayaa inee ka bad baado baaritaanka kadib.

Aamir waxuu yiri,”waxaan idiin xaqiijinayaa in shaqaalaheyga qaar kamid ah laga helay caabuqa Covid-19 waxaana si deg deg ah loogu sameeyay gargaar ayagoo karantiil la galiyay waxaan u mahadceluna kooxaha gargaarka adag inoo sameyeen dhamaan qoyska inta kale waan ka nabad qabnaa caabuqa oo waa nala baaray waana nalaga waayey.”

“Balse hooyadey wali lama baarin waqti dhow ayaana baaris lagu sameynaa waxaan rajeynaa iney ka bad baado waxaan kaloo uduceyna shaqaalaheyga inee deg deg oga caafimaadaan cudurkaan sido kale waxaan u mahadcelina dhamaan shaqaalaha isbitaalka Kokilaben sida wanaagsan ee ay inoo daryeelen intaa goobta kusugneen.”

Aamir waxuu ku mashquulsanyahay mashruuciisa weyn ee Laal Singh Chadda ee ay la hogaamineyso Kareena Kapoor dhamaadka sanadkaan ama December ayaana la daawan doonaa taageerayaashiisa ayaa markii hore ka naxeen warkaan una maleyeen in isaga haleelay caabuqa haderna hooyadiis ayeeba uduceynayaan madama jilaagan isaga ka bad baaday cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here