Abhishek Bachchan wuu soo laabtay sanadkan 2020 wuxuu rabaa wacdaro inuu dhigo haatana waxaa si rasmi ah shaaca looga qaaday filimkiisa The Big Bull ee uu soo saare ka yahay Superstar Ajay Devgn xiliga la daawan doono madaama filimkan shaqadiisa gabo gabo haatan ku dhow dahay.

Filimka The Big Bull waxaa Director ka ah Kookie Gulati waxaana Ajay Devgn filimkan la maal galinaayo Anand Pandit haatana waxay kooxdan si rasmi ah shaaca kaga qaadeen in filimkan la daawan doono 23 October 2020 ama dabyaaqada sanadkan.

Filimka The Big Bull Abhishek Bachchan waxaa ku wehliyaan Ileana DCruz, Nikita Dutta iyo Soham Shah waana filim Abhishek hogaamiye ka yahay oo fariin waaqici ah xambaarsan loogana hadlaayo dhamaadkii 90-maadkii iyo bilawgii qa qarnigaan qolyaha xisaabaadka iyo dhaqaalaha Hindiya ka shaqeyn jireen lacago ay lunsadeen iyo sida ay suuqa sicirka u qaribeen wuxuuna Abhi matali doonaa door xumaan iyo samaan isku dhex jiro ah.

Marka laga soo tago filimka The Big Bull sidoo kale Abhishek Bachchan waxaa u diyaarsan filimka Ludo oo la daawan doono 24 April 2020 sidoo kalena wuxuu duubis ku wadaa filimka Bob Biswas ee uu SRK soo saare ka yahay waxay ka dhigan tahay 2020 sanad u qaas ah inuu Abhi yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here